Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in shaqaalihii hab-maamuska ee Villa Somalia shaqadii laga eryay.
Arrintan ayaa ka danbeysay magacaabidda Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji oo ku qanciyay madaxweynaha in shaqaalaha xilligan laga bedelo Madaxtooyada.
Shaqaalaha la eryay waxaa u badan kuwii hab-maamuuska (Protocol-ka) iyo qaar ka mida agaasinka iyo xubnaha la shaqeeya oo dhan 9 xubnoood, iyadoo la eryay madaixii hab-maamuuska C/llaahi Yuusuf iyo Agaasime ku-xigeenkii Madaxtooyada C/llaahi Kulane oo maalmo ka hor la magacaabay.

Xubnaha cusub ee madaxtooyada loo magacaabay ayaa ah dhalinyaradii ka mid ahaa ololihii doorashada Farmaajo ee la soo shaqeeyay Fahad Yaasiin.
Isbedelka guud ee ka dhacay Villa Somalia ayaa caddeyn u ah siyaasadda aan fadhin ee maamulka Farmaajo oo saddex agaasime loo magacaaaay xafiiskiisa muddo saddex bilood ah oo uu xilka hayay.
GOOBJOOGE