Sheekha caanka ah ee Nuur Baaruud Gurxan ayaa la sheegay inuu shir jaraa’id qaban doono, isagoo ku faahfaahin doono hadallo uu jeediyay oo siyaabo kala duwan loo fasirtay.
Sheekha oo ka mida culimida waaweyn, isla markaana madax ka ahaa guddigii abaaraha Qaranka, dhowaanna loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka Guddiga taakukeynta ciidamada ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadli doona xiisad ka dhalatay hadalladii uu ka jeediyay xafladii daahfurka sanduuqa taakuleynta ciidamada ee ku saabsaneyd Mooshinada laga keeno xukuumadda.
Xildhibaanada qaarkood ayaa si weyn u dhaliilay Sheekha iyagoo ku eedeeyay inuu noloshooda halis geliyay, waxaana laga dalbaday raali gelin, arrintaas oo gaartay in guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiya joogtada ah ay u yeeraan Ra’iisal wasaare Kheyre si ay wax uga weydiiyaan arrintaasi.
Sheekh Nuur Baaruud ayaa la sheegay in hadalkiisa si xun loo fasirtay oo dad fitna abuur ah ay qeyb ka mida hadalkiisa buunbuuniyeen, iyagoo ka tegay qeyb kale oo haddii la wada dhageysto isa sixi lahayd, taasoo keentay in hadalka Sheekha ujeedkiisii laga saaro oo cadaawad loo bedello.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxda dowladda ayaa Sheekha ka dalbaday inuu kala caddeeyo mowqifkiisa iyo hadalladii uu jeediyay, iyadoo lagu wado inuu saacadaha soo socda shir jaraa’id ka qabto arrintan.
Wadani