Maamulka la baxay Somaliland ayaa soo saaray war aan la fileyn oo ku saabsan casimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa saxaafada u sheegay in ganacsatada Somaliland iyo shacbkaba uga digayo inay u soo safraan magaaladda Muqdisho oo amni darro ka jirto.
Wuxuu ku dooday sheegay in dad ka soo jeeda Somaliland in lagu dilo magaalada Muqdisho, sidaasi awgeedna ay xukuumada uga digeyso shacabka Somaliland inay u safraan Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray qoyska laga laayay agaasimihii Dahabshiil ee Koonfurta Soomaaliya.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Muqdisho lagu weeraray qoyska agaasimaha shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta Soomaaliya Xasan Cabdi Cawad, iyadoo dhimasho iyo dhaawac loo geystay.