Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka lagula jiro cudurka COVID-19 oo uu keeno Cudurka Coronavirus ayaa sheegaya in tijaabo agu bilaabay tallaalkii ugu horeeyay ee cudurkan.
Tallaalkan oo ah kii ugu horeeyay ee la isku dayo, waqti aad u yarna lagu sameeyay ayaa lagu tijaabiyey haweeney lagu magacaabo Jennifer Haller oo 43 sano jir ah, taasoo degan gobolka Seattle ee dalka Mareyanka, iyadoo sheegtay inay xaalad wanaagsan dareemeyso, markii ay qaadatay tallaalka.
Waxaa tallaalka soo saaray saynisyahannada Machadka Kaiser Permanente Washington Research Institute, waxaana loo bixiyey magaca mRNA-1273, laakiin waxaa la caddeeyay inuusan diyaar noqon doonin ka hor 12 ilaa 18 bilood, sida uu sheegay agaasimaha Hay’adda Qaran ee caafimaadka Mareykanka Dr. Anthony Fauci.
Waxaa kaloo lagu tijaabin doonaa dad mutadawiciin ah oo ka badan 30 qof, iyadoo waqtiga dhaqsida badan ee tallaalkan lagu soo saaray uu muujinayo dagaalka weyn ee lagula jiro cudurka Coronavirus.
Waxaa kaloo jira tallaal kale oo ay tijaabadiisa wadaan dalalka Germany iyo China, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.