Xog laga helay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in fal fadeexad weyn ah u hareeyay qaar ka mida xafiisyada madaxtooyada ku dhexyaalla kadib markii la jabsaday oo laga qaatay dokumentiyo.
Wararka ayaa sheegaya in falkii uu danbeeyay uu dhacay xalay, kaasoo lagu jabsaday Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka iyagoo lagala baxay dokumentiyo muhiim ah.
Dokumentiyada laga qaatay xafiiska hanti dhowrka guud ahaa u badan kuwa quseeya miisaaniyadda dalka iyo inta badan warbixinadda u diyarsanaa Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo ku dhex shaqeeya dhisme ku xaruna Wasaaradda Maaliyadda ee Madaxtooyada.
Xafiisyo kale ayaa la sheegay inay sidoo kale falkan uu saameyn ku yeeshay, waxaana baaritaan ka dhex bilaabay xarunta ciidamada AMISOM iyo NISA. Hanti dhowrka ayaa gacanta ku hayay is daba marin lagu sameeyay miisaaniyadii dowladda ee sanadihii 2015 iyo 2016 isagoo sheegay in lacag gaareysa 110 Milyan oo doolar ay ku maqan tahay xukuumadii hore.
Waxaa laga cabsi qabaa in arrintan ay tahay mid loo maleegay xafiiska hanti dhowrka oo dabagal ku hayay hantida Qaranka. Ma cadda cidda ka danneysay arrintan waxaase la tuhunsan yahay in shaqaalaha xafiiska loo adeegsaday.
Wadani.com