Shirki wadatashiga ahaai Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya ee magaallada Muqdosho ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo looga hadlay iskaashiga labada heer eewasaaradaha gaar ahaan dhanka wacyigelinta.
Shirka, waxaa ka qeyb galaya wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed, Warfaafinta Koofur-Galbeed Ugaas Xasan Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan iyo Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Cabdiwali Maxamed Cabdi, halka wasiirka maamulka Jubbaland aanu ka qeyb gelin, balse la sheegay in Masuuliyiinka socota Jubbaland ay joogeen, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Agaasimeyaasha guud, madaxda warbaahinta dowladda Federaalka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed CabdiXayir Maareeye ,oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirar wada-tashi ah, oo ay wasaaraduhu si joogto ah u yeelan jireen. Wasiirraada iyo Agasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad-goboleedyada, ayaa shirka si gaar ahdiiradda ugu saaray horumarinta Wasaaradaha iyo hay’adaha Warbaahinta ee heerarka kala duwan ee Qaranka,iyadoo la wadaagayo khibradaha iyo kheyraadka la heli karo.
Waxyaabaha shirkan lagu lafoguray, waxaa kaloo ka mid ah mideynta dadaalada hirgelinta wacyigelinta laxiriirta arrimaha Xagjirnimada, Argagixisada, Dowlad-wanaagga, Doorashooyinka, Dhamaystirka Dastuurkaiyo arrimaha bulshada, iyadoo la raacayo Istiraatiijiyadda Qaran ee Wacyigelinta, oo ay wasaaraduhuansixiyeen sanadkii 2018-ka.