Madaxweynaha Galmudug oo ay maanta xildhibaano ka tirsan baarlamaankiisa ku dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen ayaa soo saaray war-murtiyeed degdeg ah.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wax waliba oo ka soo baxay Guriga badbaado ee magaalada Cadaado aanu aqbali doonin, wax ka socda halkaasina ay yihiin sharci darro iyo fowdo.
HOOS KA AKHRI WARMURTIYEEDKA
War Murtiyeed
Dowlad Goboleedka Galmudug waa Dowlad Goboleed hay’ada heeda dowligaa ay ku dhisan yihiin sharci iyo dastuur ay sameysteen dadweynaha ree Galmudug.
Maamulka Galmudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka ree Galmudug sameysteen, waxa kasocda Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan majiro, sida kucad war murtiyeedka uu soo saaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug 5tii Jan, 2017.
Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Hadaan nahay maamulka Galmudug ma aqbalayno mana aqbali doonno wax walba oo kasoo baxa Goobta lagu magacaabo Badbaado.
Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug
Wadani.com