Shir magaalada Muqdisho uga socday muddo laba maalmood ah oo Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Dowlad Goboleedyad iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho.
Shirkan oo lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta ayuu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige sheegay intii uu shirkaan uu socday ay Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda.
Waxaa kaloo looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.
Maamulka Puntland ayaa shirka ka maqan, waana markii labaad ee Puntland bannaanka ka joogto shirarkan, wuxuu ka dambeeyay Bishii Janaayo markii ay go’aansatay in u dhaqanto sida dowlad madax bannaan.
Shirkaan waxaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxa aan qeyb ka ahayn oo aan ka saxiixa ku jirin, inkasta oo si ramsi loogu casuumay shirkaan.

