Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»WAR-MURTIYEED: Shirkii Istraatiijiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya

    WAR-MURTIYEED: Shirkii Istraatiijiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya

    January 12, 20165 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho 11 – 12 Janaayo 2016

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Abdi Xayir (Maareeye), Wasiirada Warfaafinta ee dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay la jiraan ururadda ay ku mideysan yihiin weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Warbaahinta taageera ayaa ku kulmay Jazeera Palace Hotel ee Muqdisho 11-kii iyo 12kii Janaayo 2016. Shirka waxaa shir gudoominayey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye), Wasiir Ku-xigeenka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Xasan Soocadde, Wasiirka Warfaafinta Konfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta GalMudug Maxamuud Aden Cismaan, Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wakiilo ka socda Dowlad Goboleedka Jubbaland, Gobolada Banadir, Hiiraan iyo Sh/dhexe, Xoghayaha Guud ee NUSOJ Mohamed Ibrahim Pakistan, Wakiilo ka socda ururadda Network 13, SIMHA, MAP, iyo Madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo wakiilo ka socda dawladdo ay ka mid yihiin Safiirka Sweden Mikeal Lindvall iyo Hay’ado ay ka mid yihiin IMS/FOJO, SMSG, UNSOM, InterNews iyo kuwo kale.

    Kulanka waxaa soo abaabulay Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyadoo la kaashatay Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada, waxaana shirka taageeray Hay’ada IMS/Fojo iyo UNESCO oo si xoog leh ula shaqeeyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Kulanka labada cisho ayaa lagu lafoguray Istraatejiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano ee soo socota iyo sidii looga shaqeyn lahaa Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya.

    Dood dheer ka dib, ka qeybgalayaashu waxey isla garteen qoddobadan soo socda:

    1. Ka qeybgalayaasha shirku waxey u mahadceliyeen Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada, waxeyna soo dhoweeyeen una mahadceliyeen doorka Hay’adaha IMS/Fojo, UNESCO, SMSG iyo xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo taageeray shirkan muhiimka ah. Sidoo kale waxey uga mahadceliyeen IMS/Fojo doorkooda ku aadan diyaarinta barnaamijka, qorshaha istraatejiyada horumarinta warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka muhiimka ah ka dib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada dalka.

    2. Ka qeybgalayaashu waxey dib u eegis ku sameeyeen isla markaasna ay isku waafaqeen in la dhaqangeliyo Istraatejiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano ee soo socota (2016 – 2020).

    3. Ka qeybgalayaashu waxey ku ballameen inay si wadajir ah u wada dhaqangeliyaan Istraatejiyada, iyagoo kaashanaya shacabka, suxufiyiinta Soomaaliyeed, ururada matala warbaahinta iyo beesha caalamka. Waxaana marwalbo door hoggaamineed iyo isku xir qaadanaya Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la tashaneysa Dowlad Goboleedyada, iyo qeybaha kale ee warbaahinta madaxa bannaan.

    4. Ka qeybgalayaashu waxey ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn buuxda oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci siinta hay’adahaas, iyo inay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha. Waxaana hoggaanka iyo isku xirka marwalba leh Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka.

    5. Ka qeybgalayaashu waxey soo dhoweeyeen Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, iskuna raaceen in uu noqdo kan rasmiga ah oo Dowlad Goboleedyadana ay si buuxda u waafajiyaan xeerarkooda saxaafada.

    6. Ka qeybgalayaashu waxey isla garteen in dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga wada shaqeeyo, bacdamaa xeerku uu maareeynayo cabashooyinka iyo habdhaqanka shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerka saxaafada, anshaxa iyo asluubta warbaahinta. Waxaana la isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dalka laga sameeyo wacyigelin lagu sharaxayo muhiimada dhaqangelinta xeerka saxaafadda. Fulinta barnaamijkan waxaa laga codsay hay’adaha warbaahinta taageera iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda.

    7. Ka qeybgalayaashu waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna ammaaneen horumarka laxaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxayna xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah.

    8. Ka qeybgalayaashu waxay cambaareeyeen ficilada dilka, dhaawaca iyo hanjabaadaha ah ee kooxaha argagixisada ah ku hayaan weriyayaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, iyo xariga sharci darada ah, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo sharciga la hor keeno.

    9. Ka qeybgalayaashu waxay amaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xiligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub.

    10. Ka qeybgalayaashu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka hawlgalaan una gudbiyaan profile-kooda iyo qorshe hawleedkooda oo dhameystiran iyo miisaaniyada ay ku howlgalayaan.

    11. Ka qeybgalayaashu waxey soo jeediyeen in Dowladda Federaalka lagala tashto dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ka fulinayaan dalka, oo aysan hay’ad ka howlgeli karin dalka iyagoon oggolaansho ka helin Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada ay ka howlgalaan.

    12. Ka qeybgalayaasha waxey xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku midoobaan horumarinta warbaahinta dalka iyo wacyigelinta bulshada, sida Dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka, amniga, dib-uheshiinta, iyo Dowlad-wanaaga. Waxaana la isla gartay in si mideysan oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo iyadoo Wasaarada Warfaatina ay door hoggaamineed ku yeelaneyso.

    13. Ugu danbeyntii ka qeybgalayaashu waxey ka codsadeen hay’adaha caalamka iyo dowladaha taageera Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya in Shir Deeqbixiyeyaasha ah lagu qabto Nairobi sida ugu dhaqsiyaha badan si loo codsado dhaqaalaha lagu fulinayo Istraatejiyada iyo Xeerka Saxaafada. Waxaana loo xilsaaray Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo IMS/Fojo isku xirka, xiriirinta iyo hirgelinta go’aanada shirka iyo shirka deeqbixiyeyaasha ee Nairobi.

    DHAMAAD

    Shirka warfaafinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Xafladii furitaanka shirka Jowhar ee maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe & Hiiraan oo bilaabatay
    Next Article Madaxaweynaha Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo