Qarax la doonayay in lagu khaarijiyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ka dhacay xaafada Taleex ee Degmada Hodan ayaa la sheegay in uu geystay khasaare geystay, balse uu ka badbaaday xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo la doonayay in lagu khaarijiyo.
Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu Aaso, waxaana qasaare kasoo gaaray saddex Qof oo ku dhaawacantay, waxayna isugu jiraan dad shacab ah iyo Askar ilaalo u ah xldhibaanka.
Dhinaca kale koox hubeysan ayaa degmada Wadajir toogasho ku dishay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda xilli uu ku sugnaa suuqa Degmada Wadajir. Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Baroodo ayaa laga qaatay qori uu watay.
Wadani.com