Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in is mari waa’ uu hareeyay wadahadallo u dhaxeeyay madaxda maamulada dalka iyadoo aan weli aan wax heshiis ah laga gaarin qaabka loo qabanayo doorashada sanadkan 2016.
Waxa magaalada Kismaayo ka socda waanwaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ka dhex wadaan dhinacyada ku kala dhegan qaabka doorashada waxaana arrimaha la isku hayo ka mida:
- Dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka
- Habka awood qeybsiga 4.5
- Habka degaanka iyo cidda soo xuleysa Baarlamaanka
- In lagu qeybiyo qaab maamul goboleed iyo 18 gobol.
Waqtiga ayaa ku socda madaxda Soomaalida iyadoo ay heystaan ilaa waaberiga inay xal uga gaaraan arrimaha horyaalla, waxaana weli la kala taagan yahay labadii fekradood ee Muqdisho lagu kala tegay, inkastoo lasoo bandhigay arrimo badan oo xal loo arkay, haddana waxaa mar waliba diidan maamul ama laba maamul goboleed.
Wadani.com