Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in shirkii Madaxda Madasha Qaran ee Madasha la isku mari la’ yahay.
Shirkan oo si aan la shaacin Muqdisho uga furmay Jimcihii ayaa maanta galaya maalintii saddexaad iyadoo qodobadda horyaala aan wax heshiis ah laga gaarin, isla markaana beesha caalamka ay cadaadis hor leh la timid.
Qodobadda ugu adag ee la isku hayo waxaa ka mida:
- Kuraasta la laalay ee Aqalka hoose
- Xubnaha Aqalka sare ee Somaliland
- Dhameystirka Doorashada
- Xilliga la dooranayo madaxda sare ee dalka
Beesha Caalamka ayaa cadaadis hor leh saartay madaxda Madasha, waxayna ka dalbatay: In la ansixiyo xubnaha kuraastooda la laalay iyo kuwa muranka ka taagan yahay oo dib loogu noqdo, waxay kaloo beesha caalamka madaxda Madasha dooneysaa in go’aano laga gaaro arrimo dhowr ah oo ay qoraal ahaan ugu dirtay Madasha.
Shirarka Madasha waxaa culeys kale ku yeeshay iyadoo uu ka baaqsaday madaxweynaha maamulka Jubbaland oo qaadacsan, waxaana warar ku dhow shirka ay sheegayaan in rajo laga qabo in xal lagu gaaro shirka maanta dhici doona oo wakiilada beesha ay ka qeybgeli doonaan.
Wadani.com