Qarax si weyn loo soo qorsheeyay oo aad u xoogan ayaa aroortii saaka lagu qaaday Hotelka Saxafi Hotel ee iso-goyska KM 4 magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo is-miidaamin ahaa lagu dhuftay albaabka hotelka kadibna rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka sidii caadiga ahayd ee weerarada loo qaadi jireen kooxda Alshabaab.
Rasaas xoog leh ayaa ka dhacday gudaha hotelka oo ay hurdayeen dad kala duwan oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sidoo kale qarax labaad ayaa ka dhacay hotelka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa si degdeg ah u sheegatay weerarkan, iyagoo beegsaday hotelka. qasaare xoog leh ayaa ka dhashay weerarka iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sheegeen inay soo afjareen weerarka.