Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaal kula wareegtay saldhigii ciidamada Kenya ee AMISOM ku lahaayeen degaanka Kulbiyow, degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose.
Afhayeenka Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayay ka soo xigatay wakaalada wararka ee Reuters in laba is-miidaamiye ay isku qarxiyeen xerada, kadibna dagaal gacmaha la isula tegay uu ka dhacay xerada oo ay qabsadeen.
Warbaahinta Alshabaab ayaa ka hadashay qasaare balaaran oo ciidamada Kenya kasoo gaaray dagaalkaasi iyo hub fara badan oo ay ka furteen.
Dhinaca kale sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo ku sugan Kulbiyow ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ilaa 100 maleeshiyo oo Alshabaab ka tirsan oo weerar kula kalahay saldhigga, wuxuuna intaasi ku daray in qasaare labada dhinacba ah uu jiro.
Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in maleeshiyada Alshabaab ay dab qabadsiiyeen gawaarida ciidamada Kenya ee xerada ku sugnaa oo qaar ay kaxeysteen, kuwii kalena ay dab qabadsiiyeen.
Xerada Kulbiyow ayaa gebi ahaan gubaneysa kadib markii uu ka dhacay dagaal laba baabuur oo is miidaamin ah ku bilowday, kadibna Alshabaab ku qamaameen xerada iyadoo dagaalku socday muddo ka badan saacad iyo bar.
Alshabaab ayaa sheegay inay saldhiga Kulbiyow ay ciidamada Kenya kaga dileen 57 askari, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen 29 meyd oo askarta Kenyaanka ah.
Wadani.com