Banaanbaxyo rabshado wata ayaa ku fidaya magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne iyo darawallo careysan ay xireen wadooyinka magaalada, isla markaana ay xireen ganacsigii Suuqa Bakaaraha.
Ciidamada dowladda ayaa rasaas u adeegsaday dadka bannaanbaxa rabashadaha watay, waxaana dadka lagu dilay ay gaarayaan ilaa shan qof iyadoo dad kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo bannaanbaxyada ay soo gaareen, jidka Maka Almukarama iyagoo gubaya taayarada baabuurta.
Isgoyska Lambar 4 ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray Banaabaxayeyaal xooggan, kuwaasoo dalbanaya in dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato dhibaatadda lagu haayo dadka Shacabka.
Waxaa isgoyska Bakaaraha tegay Taliyaha ciidamada Booliska Gen. Bashiir Cabdi Maxamed iyo Duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow, waxayna halkaasi kula hadleen dadka bannaanbaxa waday.
Taliyaha Booliska ayaa sheegay in taliyaha goobta lagu dilay Darawalka Bajaajta la xiray, isla amrkaana askarigii dilka geystay tallaabo laga qaadi doono, waxayna dadka ka codsadeen inay shucuurtooda ku muujiyaan si nabadgelyo ah.


