Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Dab xoog leh ka kacay Baar ku yaalla agagaarka Isbitaalka Erdogan Ex. Digfeer, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Dabka ayaa lasoo weriyey inuu yahay mid xoog leh oo sii kordhaya, waxaana uu saameyn ku yeeshay Goobo Ganacsi oo ka soo horjeedo isbitaalka Digfeer oo dhinaca ku haya Baarku dabku qabsaday.
Dadka goobjoogayaasha ayaa ku waramaya inuu dabku dhaliyay qasaare hantiyeed, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu daminayo dabkaasi, waxaana goobta gaaray Gaadiidka dab damiska G/banaadir iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay.