Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya uu dagaal ku dhex maray xerada Jen. Gordon oo dhowaan ay ka baxeen Imaaraadka Carabta.
Rasaas xoog leh oo laga maqlay xerada duhurnimadii maanta ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo Xerada Gen. Gordon, waxayna wararku sheegayaan in dagaalka uu salka ku hayo boob ay ku kaceen ciidamada dhexdooda.
Ciidamo ka tirsan milateriga ee ku sugnaa xerada iyo ciidamo kale oo la socday saraakiil xerada tagtay ay damceen inay hub iyo saanad ka qaataan xerada iyadoo ay diideen ciidamada xerada ku sugnaa.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay ka war heleen ciidamo xaafadahooda ku dhex ordaya oo aan diyaarsaneyn, kadibna ay bilaabtay rasaas xoog leh, iyadoo loo sheegay inay iska hor yimaadeen ciidamo xerada tagay iyo kuwii ku sugnaa.
Xaaladda ayaan weli kala caddeyn, waxaase istaagay rasaastii iyo dagaalkii socday, iyadoo ay xaaladu kacsan tahay…
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…