Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in hada halkaasi dib uga bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkan galabta qarxay ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib dhaqdhaqaaqyo ciidamada labada dhinac ee is hor fadhiya isku dayeen inay sameeyeen oo keenay inay isku dhacaan.
Hubka waaweyn iyo boobayaasha culus ayay is weydaarsadeen labada ciidan, waxaana galbeedka magaalada oo hore looga qaxay ayay ku habsadeen rasaasta inteeada badan.
Qasaare kala duwan ayaa laga soo weriyay dagaalka oo weli socda, iyadoo labada maamul aysan wax war ah kasoo saarin dagaalka dib u qarxay galabta oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada lugta iyo madaafiic.
Dagaalka magaalada Gaalkacyo oo soo noqnoqday ayaa u muuqda kuwa loo heli la’ yahay waxaana lagu eedeynayaa labada maamul inaysan daacad ka ahayn nabadda.