Wararka laga helayo aagga Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray labada ciidan.
Dagaalka dhex maray Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa saaka ka dhacayaaga Tukaraq oo ka tirsan Sool, iyagoo is weydaarsaday rasaas culus, taasoo timid markii ay isku dhaceen laba ciidan oo sahan ahaa oo isku fara saaray goob ka baxsan aagga labada ciidan isku hor fadhiyaan.
Lama sheegin qasaaraha ka dhashay dagaalka oo muddo kooban socday, kaasoo markii dambe istaagay.