Wararka hadda laga helayo Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Alshabaab uu sii xoogeystay, wuxuuna dagaalkaasi si xoog leh uga socdaa degaanka Suuj ee duleedka Tuulada Garmaal oo ka trisan Gobalka Nugaal.
Wararka hadda laga helayo Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Alshabaab uu sii xoogeystay, wuxuuna dagaalkaasi si xoog leh uga socdaa degaanka Suuj ee duleedka Tuulada Garmaal oo ka trisan Gobalka Nugaal.
Dhawaaqa Hubka waaweyn ayaa laga maqlayaa degaankaasi sida ay sheegayaan dadka degaanka Garmaal oo u dhow goobta dagaalku ka socdo, waxaaana la sheegay in duqeyn xoog leh ay ciidamada Puntland la beegsadeen kooxaha Alshabaab ee ku sugnaa SUUJ.
Dagaalada ayaa ku fidaya degaanada degmooyinka Eyl iyo Dangoronyo iyadoo ciidamada Puntland oo degaanadaasi ka dib dhacay ay dagaalka uga horeeyeen maleeshiyo beeleedyada degaankaasi oo is abaabulay.
Dagaalka oo saaka qarxay ayaa wararka kasoo baxaya ay sheegayaan in Puntland ay gashay xaalad dagaal oo aad u culus.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in dagaalku ka socdo degaanka Suuj, qaasarena uu jiro, laakiin ciidamada ay adeegsanayaan hub waaweyn oo dhinacoodu ku yar yahay qasaaraha, wuxuuna ugu baaqay in dhalinyarada la soo khalday ee ku duulay Puntland ay is dhiibaan isagoo balan qaaday ciddii is dhiibta inaan waxba loo raacaneyn ee cafin doono.
Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyarada ku duushay degaanada Puntland aanay u dhalan Puntland ee laga soo ururiyay Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna cidda soo abaabushay oo aanu magacaabin sheegay inay qasaare iyo dhiig ku danbeyn doonto.