Xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa maanta degan, iyadoo la maqlayo rasaas goosgoos, kadib duqeyn culus oo xalay ka dhacday magaaladaaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus iyo duqeymo xoog leh ay xalay ka dhaceen magaalada, iyadoo Garaadadda hoggaaminaya dadka degaanka ay sheegeen in duqeyntii xalay ay ahayd tii ugu xumeyd ee ay wajahdo magaalada Laascaanood xilli habeennimo.
Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyada degaanka, wuxuuna maanta galay maalintii 9-aad, iyadoo ay shaqeyn waayeen dhammaan xabbad joojintii lagu baaqay.
Odayaasha magaalada ayaa maamulka Somaliland ka dalbaday inay ciidamadeeda kala baxdo aaga magaalada Laascaanood, oo ay geyso degaanka Oog, taaso uu diidan yahay maamulka Muuse Biixi oo soo jeediyay tabbad joojin aan shuruud lahayn.
Ma jirto cid dhexdhexaad ah oo ku dhex jirta labada dhinac iyo awood ka baxsan labada dhinac ee dagaalamaya oo hirgelin karta xabbad joojinta.