Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalkii saaka dib uga qarxay uu weli socdo.
Dagalakan oo la isku weydaarsanayo hubka culus ayaa labada ciidan ee Puntland iyo Galmudug ku dhex maraya galbeedka magaalada. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka uu dhaliyay qasaare dhimasho, dhaawac, barakac.
Saddex qof ayaa ku dhimatay rasaasta la is weydaarsaday saaka, sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo laga helay magaalada Gaalkacyo, waxaana jira dad ku dhaawacmay oo iminka la geeyay isbitaalada labada dhinac ee magaalada.
Dagaalkan ayaa jebinaya heshiis xabad joojin ah oo lagu gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Wadani.com