Wararka laga helayo degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Xarakada Alshabaab ay weerar culus ku qabsatay degaankaasi.
Weerar jihooyin kala duwan lala soo qaaday oo lagu bilaabay gaari is-miidaamin ah ayay Alshabaab ku beegsatay xerada ciidamada milateriga ee dowladda Soomaaliya ku lahaayeen degaanka Bariire.
Alshabaab ayaa sheegatay inay qabsatay xerada, isla markaana ay tobanaan askari ku dishay, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegaya in degaalka uu weli socdo.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay saakay dagaal ballaaran ku soo qaadeen Deegaanka Bariire, welina uu dagaalku socdo. ayna dhaceen dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab u suuragashay inay galaan saldhigga iyadoo qasaare weyn uu halkaasi ka dhacay. Dadka degaanka ayaa soo sheegay in dagaalka uu ahaa kii ugu weynaa ee muddooyinkan dhex mara ciidamada Soomaalida iyo kuwa Alshabaab.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa weerar duqeyn ah ku qaaday saldhigga kale ee ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Laanta-buuro, kaasoo la sheegay in ujeedkiisu yahay inay ka hortagaan gurmad ciidamo ah oo ku socda Bariire.