Dagaal xoog leh ayaa ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, iyadoo xaaladu ay weli kacsan tahay.
Dagaalkan oo bilowday barqannimadii saaka ayaa ka socda Xaafada Ridwaan aagga ay degan yihiin xarunta PSF, isagoo markii danbe ku fiday xaafadda Suweto, waxaana soo baxaya khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad iskugu jira askar iyo shacab.
Ciidamada PSF e uu hoggaaminayo Jeneraal Maxamuud C/llaahi Diyaano ayaa faafiyey muuqaalka gaari ay ka qabsadeen ciidamada Puntland, waxaana ay sheegeen in saraakiil ka tirsan dhinaca kale ay usoo goosteen.
Sarkaal u haday PSF ayaa sheegay inay la wareegeen xarunta madaxtooyada Boosaaso, ayna qabsadeen ilaa 5 Gaadiid oo kuwa dagaalka ah, ayna ka xun yihiin in Puntland ay u soo adeegsato ciidamadii Puntland.
Geerida qof ayaa la xaqiijiyey, waxaana dhaawaca uu gaarayaa tobaneeyo qof. Galabta xilli danbe waxaa weli socda dagaalka magaalada Boosaaso oo hub waweyn is weydaarsanaya.
Ciidamada PSF ayaa lagu eedeeyay inay Hoobiye ku rideen magaalada Boosaaso, waxaana xaafadaha kala duwan ka qaxaya dad shacab ah oo rasaastu saameyn ku yeelatay, iyadoo dadka qaxaya aya ciidamada Puntland ku eedeeyeen inay hor istaageen markii ay doonayeen inay xalay ka qaxaan magaalada.
