Waxaa weli dagaal ka socdaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, iyadoo rasaas xoog leh ay dhaceyso, isla markaana ay qeybo ka mida magaalada ay ku dhaceen madaafiic hoobiyeyaal ah.
Dagaalka ayaa gebi ahaan ka socda xarunta fadhiga madaxda Ahlu suna ee INJi iyo agagaarkeeda oo labada ciidan ay isku horfadhiyaan, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in rasaas goosgoos ah ay weli ka dhaceyso magaalada.
Qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo sheegayaa inay kala gaareen labada dhinac, balse waxaa dagaalka ku xirmay isbitaalka weyn ee magaalada oo aagga la isku hayo ku dhow, lama hayo qasaaraha dhabta ah ee dagaalka socda..
Dadka shacabka ah ayaa isaga qaxaya magaalada Dhuusamareeb, siiba aagga u dhow xarunta Madaxtooyada iyo INJ, kadib marki ay hoobiyeyaal ku dhaceen Xaafadaha Magaalada ayna ka dhaseen qasaare dhaawacyo ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xarunta Shiirkole ee fadhiga Baarlamaanku Galmudug, kuwaasoo qasaare u geystay dhismaha.