Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirkii maamul usameynta gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo lagu waday inuu maanta furmo.
Wufuud laga sugayay magaalada Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana sidoo kale magaalada Jowhar ka maqan guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ee martida loo yaqan Cali Guudlaawe oo Muqdisho u jooga arrimo farsamo.
Wararka laga helayo dada goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in shirka aanu furmi doonin maanta oo uu dib ugu dhacay maalamaha Axadda iyo Isniinta.
Dowladda Soomaaliya iyo IGAD ayaa dhowaan ku dhawaaqay in 3-da September oo maanta ah uu furmi doono shirka Jowhar.
Marka laga soo tago xaaladda magaalada Jowhar iyo ergada shirka, waxaa magaalada ka muuqda diyaargarow dhinaca amniga ah, iyadoo ay la wareegeen ciidamada AMISOM.
Wadani.com