Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa ololaha doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo loo asteeyay inay dhacdo 10-ka bishan April.
Waxaa magaalada lagu xardhay sawirrada musharixiinta madaxweynaha iyadoo guddiga Doorashada ee Baarlamaanka Galmudug maanta uu shaacin doono jadwalka doorashada madaxweynaha.
Musharixiinta ugu cadcad ee u sharxan xilkan ayaa waxaa ka mida: Axmed Ducaale Geelle, Axmed Shariif Cali, Axmed Macalin Fiqi iyo musharixiin kale.
Baaq ka yimid kooxda Ahlu suna oo ku saabsan in dib loo dhigo doorashada ayaan u muuqan in la ogolaan doono, waxaana baaqaas oo kale hore usoo jeediyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynihii hore ee Galmudug oo xilka iska casilay ayaa isna taageeray baaqii Ahlu suna ee dib u dhigista doorashada Galmudug.
Wadani.com