Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday diyaar garowga munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii labaad loo doortay xilka, waxaana xalay xilli danbe la xiray wadooyin ka mida caasimadda.
Wadooyinka saakayla xiray waxaa ugu muhiimsan jidka Maka Almukarama, iyadoo lasoo dhoobay ciidamo aad u badan oo isugu jira booliis iyo milateri, kuwaas oo dadka iyo gaadiidka u diiday inay jidkaasi adeegsadaan. Dadka ayaa saaka uun ka warhelay wadooyinka xiran iyadoo cabasho weyn laga muujiyey sida ay ciidamada ula dhaqmayaan dadka.
Dadka lugeynaya ayaa loo diiday inay isaga gudbaan wadooyinka, taasoo keentay in kumanaan dad ah ay ku xayirmaan inta u dhaxeysa isgoysyada Zoope iyo KM4, iyadoo markii danbe oo xalaadu cakirantay dadkaasi loo ogolaaday inay lugeeyaan.
Arrintan ayaa ka dambeysay kulan amni oo shalay dhex maray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga xukuumadda Xilgaarsiinta, maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha ciidamada dowladda iyo Kuwa ATMIS, iyagoo looga hadlay sugidda amniga munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha oo Khamiista ka dhaceysa Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho soo gaaraya wufuud hordhac u ah madaxda ka qeyb galeysa caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ay shalay Muqdisho yimaadeen wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Jabuuti.
Wafdiyo kale oo hordhac u ah madaxda dalalka Itoobiya, Kenya iyo Masar ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan Muqdisho, waxaana la sheegay in loo xiray wadadda muhiimka ah ee tagta Garoonka Muqdisho.
Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta tegayo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, taasoo keentay in wadooyinka loo xiro.



