Iyadoo maalmo kooban ay harsan yihiin doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socda ololeyaashii ugu danbeeyay ee musharixiinta.
Qaar ka mida musharixiinta ugu waaweyn mucaaradka ayaa xalay si weyn u shiday Hotelka Jazeera oo noqday fadhiga musharaxiinta madaxweynaha, waxaana halkaasi olole weyn u qabtay musharixiinta kala ah: Shariif Sheekh Axmed, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo C/qaadir Cosoble Cali.
Xildhibaano badan ayaa lagu arkay hotelka waxaana lagu qiyaasay ilaa 100 xildhibaan inay isu keeneen, kuwaasoo heshiisyo iyo is aragyo la yeelanayay musaharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay bilowdeen lacagaha lagu kala iibsanayo codadka musharixiinta oo ku furmay $100,000 (Boqol kun doolar) xildhibaankii, waxaana la filayaa inuu sare u kaco sicirka codka halkii xildhibaan.
Musharixiin badan ayaa xilligan ay heysataa dhaqaale darro weyn, Â iyagoo codadka xildhibaanada ku raadinaya heshiisyo hoose, balanqaad jagooyin iyo qorsheyaal kale.
Wadani.com