Dadaaladii ugu danbeeyay ayaa caawa ka socda magaalada Muqdisho saacado uun ka hor kulanka Baarlamaanka lagu horkeenayo Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Xasan Cali Kheyre.
Kulamo kala duwan oo xildhibaanada Baarlamaanka uu la yeeshay Ra’iisal wasaaraha ayaa soo gabagaboobay iyadoo uu balanqaadyo kalsooni siin ah uu ka helay xildhibaano fara badan oo u xaqiijiyay inay taageeri doonaan.
Kulanka Baarlamaanka ee maalinta Berri ah ayaa waxaa wada tegi doona madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana kulanka koowaad ee Baaralmaanka furi doona madaxweynaha.
Qaar ka mida xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu cod aqlabiyad leh ka heli doono Baarlamaanka, isla markaana si fududna kalsooni uga heli doono Baarlamaanka.
Xildhibaanada qaarkood ayaa la sheegay inay ka gaabsadeen kalsooni siinta Ra’iisal wasaaraha magacaaban, iyagoo arrimo kala duwan u diidan shaqsiga uu soo xushay Farmaajo.
Wadani.com