Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in la soo afjaray weerarkii Alshabaab ku qaadeen saaka Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan oo ku bilowday qarax is miidaamin ah ayaa waxaa ka danbeeyay dabley gudaha u gashay hotelka oo in muddo ah ka dhex dagaalameysay, waxaana qasaaraha oo sii kordhaya lagu sheegay 5 dhimasho ah iyo in ka badan 35 dhaawac ah.
Saraakiisha ayaa laga soo xigtay in la dilay afar dabley Alshabaab ay oo galay hotelka, iyadoo dableygii ugu danbeeyay la toogtay daqiiqado ka hor.
Burbur xoog leh ayaa gaaray hotelka oo ay deganaayeen odayaal dhaqameed ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin.
AKHRISO MAGACAYADA WERIYEYAAL LAGU DHAAWACAY
Wadani.com