Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar ay kooxda Alshabaab ku qaadeen degmada Afgooye.
Wararkii ugu dambeeyay ee caawa ayaa sheegaya in xaalada ay degan tahay, kadib markii laba weerar oo is xigay Alshabaab ku galeen Afgooye oo dhinacyada Waqooyi iyo Koonfurta ay ka weerareen.
Dagaal qaraar ayaa dhex maray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo, waxaana u suuragashay inay galaan xaafadaha Godey iyo Baal-Guri, intii aan dib loo riixin xilli danbe.
Qasaaraha dagaalka ayaan weli la xaqiijin waxaana dadka degaanka ay sheegayaan inay arkeen askari dhintay iyo dad rayid ah oo ku dhaawacmay.
Alshabaan ayaa sheegtay inay dagaal kula wareegeen degmada Afgooye oo ay gacanta ku hayaan saldhiga iyo xarunta degmada. Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan xarumaha dowladda ee Afgooye.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa iyaguna sheegay inay dib u celiyeen weerarkii Alshabaab ee Afgooye oo qasaare gaarsiiyeen.
Dad badan ayaa maanta ka qaxay degmada Afgooye waxayna wararku sheegayaan inay Afgooye noqotay goob ay Alshabaab si joogto ah isaga soo geli karaan xiligii ay doonaan.
Wadani.com