Wararkiu ugu danbeeyay ee weerarkii isugu jiray qaraxyada is miidaaminta iyo weerarka tooska ah ee Alshabaab ku qaaday Hotelka SYL iyo Beerta Nabadda ayaa sheegaya in 4 dabley Alshabaab ah lagu dilay weerarka.
Hay’adda nabadsugidda ee NISA ayaa goor dhoweyd shaacisay in 4 baabuur oo lag soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay is qarxiyeen waana tiradii ugu badneyd ee Alshabaab weerar qura qarxiso, sidoo kale waxaa la dilay 4 dabley ay oo Alshabaab ka tirsan oo qarka u saarmay inay gudaha u galaan Hotelka SYL iyadoo ilaalada Hotelka gacan weyn ka geysteen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in gaarigii ugu horeeyay ee is qarxiyay kaasoo qaraxiisa magaalada oo dhan gilgilay lagu joojiyay goob ka danbeysa Hotelka oo ciidamo ku sugnaayeen halkaasoo uu isku qarxiyay, waxaana ku dhintay askar iyo shacab badan.
Inkastoo NISA ay sheegtay in howlgalkii lasoo gagabageeyay, waxayna haddana dadka uga digtay inay iska ilaaliyaan gawaarida yaala meelaha la dhigto baabuurta oo shaki weyn laga qabo inay ku jiraan qaar la soo miidaamiyay, waxaana dadka loogu baaqay inay ka fogaadaan goobtaas oo dhan inta laga hubinayo xaalada.
DIGNIIN: haku dhawaanin gaadiidka yaala aaga #Beertanabadda ilaa 44 ay ka dhameeyaash shaqadooda, waxbaa ka dhex qarxi kara.
— NISA (@HSNQ_NISA) February 26, 2016
Qasaaraha weerarada is xigay ee caawa ka dhacay Muqdisho ayaa sii kordhaya iyadoo dadka dhintay guud ahaan hadda gaarayaan 11 ruux iyo dhaawacyo ka badan 23, waxaana laga cabsi qabaa inay sii kordhaan.
WIXII SOO KORDHA NALA SOCO….
Wadani.com
Waxaa soo gabagaboobay Howlgalkii #Beertanabadda waxaa lagu dilay 4 naftood haligayaal ah waxaa qarxay 4 gaadiid ay UGUS wateen,
— NISA (@HSNQ_NISA) February 26, 2016