Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad degaanka soomaalida ee Itoobiya ee xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar uu weli ku sugan yahay magaalada Addis ababa.
Xaaladda Cabdi iley ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan inuu xiran yahay iyo inkale, waxaana Cabdi Maxamuud la sheegay inuu ku jiro xabsi Guri ay dusha ka ilaalinayaan ciidamada milateriga Itoobiya; iyadoo arrintiisa ay goa’aan ka gaareyso dowladda Federaalka Itoobiya.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku sugan yihiin magaalada Addis ababa, isagoo doonaya inuu la kulmo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, si uu ugaha hadalo xaaladda Cabdi Iley iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Dhinaca kale waxaa arrinta ka taagan maamulka Soomaalida Itoobiya ku soo biiray diblomaasiyiin ajaanib oo xiriir kala yeeshay dowlada federaalka ee Itoobiya sida loo xalin karo qalalaasaha ka taagan maamulka Soomaalida Itoobiya.