Qarax xoog leh oo loo adeegsaday miino lagu xiray gaari uu watay nin ka mida shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Maana-boolyo ee degmada Boondheere, waxaana qaraxa ku dhintay ninkii lala beegsaday oo magaciisa lagu sheegay Shiine.
Gaariga oo ahaa nooca raaxada ayaa loo xiray qaraxa lala beegsaday ninkan, waxayna dadka degaanka sheegeen inuu ka mid ahaa shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Laba qof oo kale oo goobta ka ag dhowaa ayaa qaraxa ku dhaawacmay, iyadoo midkood ay xaaladiisu liidato. Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa baaritaanno sameeyay iyadoo laga qaaday meydka iyo dhaawaca.
Kooxda Alshabaab ayaa sii kordhisay weerarrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo dadka rayidka ah, madaxda dowladda iyo ciidamada.