Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd Madaafiic Hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen Xarunta Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Ilaa shan madfac ayaa la sheegay inay ku dhaceen Xalane iyo agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana lasoo weriyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh markii Madfac ku dhacay Guri ku dhow Garoonka Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha, waxaa la xaqiijiyay in Hal qof uu ku dhintay markii Madfac ku habsaday Guri ay deganaayeen qoys ayna ku dhaawacmeen 4 qof oo kale. Waxaa kaloo lasoo weriyey in guryo kale ay ku dhaceen Guryo u dhow Xalane, qasaaruhuna gaarayo ilaa 4 dhimasho.
Alshabaab ayaa si degdega u sheegatay Hoobiyeyaasha mar kale lagu weerarray Xarunta Xalane, wuxuuna weerarkan cusub kusoo beegmay iyadoo ay halkaasi ka socdaan shirar ay leeyihiin madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
