Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in howlgalka ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gaarka ah iyo kuwo Mareykanka uu weli ka socdo degaankaasi.
Ciidamada dowladda ayaa gaaray degaano dhowr ah oo kaabiga ku haya Daniga iyo Basra oo ah labada degaan ee Alshabaab xarumaha u ahaa, waxaana dadka degaanka ay ku warramayaan in hawada degaanadaasi lagu arkay diyaardaha is wada ee gantaalaha ku rakiban yihiin.
Goobaha xiisadda dagaal ka jirto ayaa waxaa ka mida degaanka Basra oo xarun u ah Alsahbaab, iyadoo dad degaankaasi ay qaarkood bilaabeen inay ka barakacaan, balse lama soo werin wax iska hor imaad ah oo halkaasi ka dhacay.
Xoogagga Alshabaab ayaa la sheegay inay banneeyeen xalay degaanadaasi markii ay ka war haleen ciidamo la sheegay inay ka baxeen degmada Balcad, waxaana kaliya oo hadda lasoo weriyay diyaaradaha lagu arkayo degaanadaasi.