Kooxda Alsahbaab burburisay Buundada degmada Qoryooley, kadib markii ay walxaha qaraxa u adeegsadeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmadaasi ee Gobolka Sh/Hoose.
Wararka laga helayo Qoryooley ayaa sheegaya Buundada uu gaaray burbur weyn iyadoo gebi ahaanba ay go’day, taasoo sababtay in Degmada Qoryooley ay u kala qeybsanto laba dhinac oo aan isu gudbi karin.
Alshabaab oo weerarro is xigay oo ay ku fashilmeen ku qaaday degmada Qoryooley muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa markan beegsaday Buundada degmada oo muhiim u ahayd isu socodka dadka iyo gadiidka degaankaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ee Qoryooley ayaa sheegaya in ciidmada dadka degaanka ay iska abaabuleen oo dagaal kula jiray Alshabaab ay taakulo ka waayeen dowladda federaalka iyo AMISOM.