Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya aayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay, inkastoo cabsi iyo hubaanti la’aan siyasadeed ay magaalada ka jirtay.
Ma jirto shaqo maamul oo magaalada ka socota, waxaana weli guryahooda jooga madaxdii iyo mas’uuliyiintii maamulka DDSI, iyadoo maanta oo Isniin ah la filayay inay bilaabato shaqadii maamulka ee toddobaadkan.
Warrka ayaa sheegaya in wadahadallo ay u socdaan saraakiil ka socota dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo ay labada dhinac ka wadahadlayaan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda ka taagan magaalada iyo arrinta maamulka DDSI.
Madaxweynaha maamulka DDSI Cabdi Maxamud Cumar ayaa lagu qalqaalinayaa inuu is casilo si xaaladda maamulkaasi ula jaanqaado isbedelllada Itoobiya kasocda, iyadoo ay jiraan odayaal ku shiran magaalada Diridhabe oo ka horjeeda maamulka Cabdi Iley.