Magacaabista Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay xaalad adag oo xasaasi ah ay mareyso.
Qodobka 48-kii saac ee la soo dhaafay soo kordhay ayaa noqday kordhinta tirada Golaha Ra’iial wasaaraha oo la gaarsiiyay 30 wasiir, taasoo keenay dood aan aan la fileyn, kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo isku dayay inuu ku xaliyo dad cusub oo aan hore uga mid ahayn kuwii la soo xulay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa culeys lagu saaray inuu ka laabto tiro kordhinta wasiirada, iyadoo la sheegay inuu ka fekerayo arrintan kadib marka uu dhameeyo la-tashiyo uu la leeyahay odayaasha beelaha Soomaalida.
Howsha magacaabidda wasiirada ayaa noqotay mid ay cid waliba leedahay iyadoo uu la wareegay madaxweyne Farmaajo oo sharci ahaan la tashi leh, isla markaana gudoonka Baarlamaanka iyo xildhibaano ay doonayaan inau yeeriyaan xubnaha wasiirada noqonaya.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa weli ku jira la-tashiyo, waxaana la sheegay inuu arrinta uga danbeeyo madaxweyne Farmaajo.
XOG: Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay inuu beel beel ugu yeero Odayaasha Dhaqanka
WAR CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo xaalad adag kasoo wajahday kordhinta tirada Golaha Wasiirada cusub
Wadani.com