Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar qaraxyo iyo toos ah oh Kay dhacay xerada dhagaxtuur we nabadsugidda soomaaliya.
Laba Qarax oo is xig xigay ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho gudaheeda, midka koowaad ayaa ka dhacay meel ku dhow isgoyska Jubba, halka kan kalena uu ka dhacay wadada Sayidka.
Rasaastan iyo Qarxayda dhacaya oo bilowday salaadii Maqrib waxaana la sheegay in dabley Shan qof ah ay gudaha u galeen oh weerar up late socdo.
Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa waxa ay tahay mid jawigeeda uu qasan yahay, Ciidamada ammaanka ayaa dadka ku amraya in guryahooda galaan oo aysan banaanka u soo bixin. Waxaana la xiray dhammaan wadooyinka magaalada.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka ammaanka ayaa inoo sheegay Gaari Ciidamada ay ku baarayeen fariisin Ciidamada ay ku leeyihiin Sayidka inuu halkaasi ku qarxay.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Koofi guduuda ay toogteen laba nin oo hubeysan.
Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa laga maqlayaa magaalada gudaheeda, ilaa hadda si dhab ah looma khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Rasaasta dhaceysa iyo Qaraxyadii dhacay.
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa shalay Golaha Wasiirada kahor sheegay in magaalada ay ku jiraan laba gaari oo qaraxyo sida, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado