Kulamo kala duwan oo tan iyo xalay ka socday magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay abaabulka kulanka xildhibaanada Baarlamaanka ee looga doodi doono arrinta Kiiska Sarkaalkii ONLF ee loo gacan geliyay Itoobiya.
Kulamadii xalay oo xilli danbe la isla gaaray waxay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee soo mara xildhibaanada kadib ololihii doorahada ee lagu doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana hareeyay mooshin la sheegay in laga wado Ra’iisal wasaare Kheyre.
Xildhibaanada taageersan iyo kuwa ka horjeeda ayaa si isla mida ugu ololeynaya xaaladda ka dhalatay kiiskii C/kariin Qalbi dhagax, iyadoo xildhibaanada Damjadii iyo Horusocod ay si weyn uga faa’iideysanayaan xaaladda iyadoo doonaya inay u bedelaan arrinta mooshin xil ka qaadis xukuumad iyo kalsooni kala noqosho.
Qoraal ay hordhac ahaan ugu qeybiyeen saxaafadda ayaa lagu caddeeyay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa ay galeen Khiyaano Qaran, waxaana ilaa xalay socday saxiixa mooshinka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ajendaha maanta ka dhigay dood ku saabsan sidii xukuumadda u maareysay arrinta Qalbi dhagax, iyadoo ay suuragal tahay in loo yeero madaxda amniga dalka, sida Ra’iisal wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha NISA.
Wadani