Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax culus oo ka dhacay agagaarka Isgoyska SOS ee degmada Heliwaa.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu qabsaday Mooto uu la socday Askari ka tirsan dowladda, kaasoo la sheegay inuu dhaawac culus soo gaaraya, waxaana ku dhintay Qof shacab ah oo ahaa darawalkii waday mootada.
Wararka ayaa sheegay in qarax uu ahaa miino goobta la dhigay, halka warar kale sheegayaan in qaraxu ka dhashay Bam gacmeed, xilli mootada ay mareysay halka loo yaqaan Shaneemo Cabdi Waayeel, agagaarka SOS.
Ciidamo amniga ayaa gaaray goobtaasi gaaray iyadoo baaritaan ka bilaabay, isal markaana xiray wadadda qaraxu ka dhacay, waxaan la sheegay in la qabtay dad lagu tuhmayo weerarka.