Qarax ayaa Caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Muna oo u dhow Beerta Nabadda, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in qaraxa loo adeegsaday Gaari.
Qaraxa ayaa ahaa mid xoog leh oo ruxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku dhow goobta uu ka dhacay iyo dhismooyika ku dhow sida Hotelka SYL, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa Booliska, iyadoo gebi ahaan la xiray goobta uu ka dhacay qaraxa.
Waxaa al sheegay in qaraxa loo adeegsaday Gaari noociisu yahay NOAH oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana gaariga la dhigay dhabarka danbe ee Taalada SYL oo u dhow Hotel Muna, waxaana qaraxu dhacay xilli ay goobtaasi mashquul ahayd.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay qasaare, iyadoo ay socdaan howlaha gurmadka degdega ah.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…