Wararka laga helayo magaalada Muqadisho ayaa sheegay inuu qarax miino ka dhacay Xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile, Gobollka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa la dhigay goob gaadiidka laga raro oo lagu magacaabo (Kala wareegga) oo ay isku dhafaan baabuurta BL-ka ee ka dhex shaqeysa Deyniile Oodweyne iyo Bakaaraha.
Dadka degaanka ayaa sheegay in labo qof oo midkood skari yahay ay ku dhinteen qaraxa, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen dhowr qof oo kale. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxu lala beegsaday dhashay gaari yar oo nooca raaxada ah CARIB oo goobtaasi marayey.
Dhinaca kale qarax kale oo miino ayaa iska ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan jidka Warshadaha, iyadoo aan la soo sheegin qasaare uu geystay qaraxan.
Ciidamada amniga ayaa tegay goobta qaraxu ka dhacay, waxaana la xiray isu socodka dadka iyo gadiidka iyadoo baaritaan halkaasi uu ka socdo.