Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wararkii ugu danbeeyay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa iyo Burco ee Doorashada Somaliland

    Wararkii ugu danbeeyay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa iyo Burco ee Doorashada Somaliland

    November 17, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa deggan xaaladda xaafadaha ay xalay rabshado ka dheceen xalay ee ka tirsan Hargeysa iyo Burco, sida ay dad deegaanka sheegeen.

    Muran iyo eedo ku shubasho ayaa hareeyay doorashada madaxweynaha ee Somaliland   Isniintii ka dhacay oo weli la sugayo natiijadeeda. Inta la og yahay, ugu yaraan laba qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rabshadahaasi kadib markii ay isu soo bexeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

    Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer, Maxamed Diiriye Xayd ayaa sheegay in ay daggan tahay xaaladda xaafadihii ay rabshadaha ka dhaceen xalay ee Burco.

    Waxay arrintani ka dambeysay markii mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ay dhaliil u soo jeediyeen hanaanka doorashada. Waxay sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen guddiga doorashooyiinka ka dib markii “la dhagaysan waayay cabashadooda” ku aadan doorashadii la qabtay Isniintii.

    Cusman Afgaab oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa sheegay “In uu jiro musuqmaasuq uu ka mid yahay in meelaha qaar lagu codeeyay warqado la been abuuray, caruur codeysay iyo in wakiilladooda laga saaray xarumaha qaar ee codeynta”.

    Guddiga doorashooyiinka  Somaliland, ayaa codsaday in ciddii cabasho qabta ay u gudbiyaan guddiga, sidoo kale wuxuu ku baaqay in aan laga hordhicin natiijada.

    Gudoomiyaha guddiga, Cabduqadir Imaan Warsame oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay “wixii cabasho sharci ah, diyaar baan u nahay in aan xallino”.

    Balse, dadka ku nool xaafadaha dhanka galbeed ee Burco waxay sheegeen in ciidamo boolis iyo military isugu jira la geeyay halkaas. Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay nabadgelyada ilaaliyaan. Dhanka Booliska wuxuu ka dalbaday in ay shacabka si wanaagsan ula dhaqmaan.

    https://youtu.be/4W5iOY_nq30

    Rabshada ka dhacay xaafado ka tirsan Burco waxaa “ku dhintay hal qof, tiro kalena way ku dhaawacmeen”, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah askeri boolis ah, oo ka mid ahaa kuwii ka hortagayay rabshadaha.

    Xaafadda New Hargeysa oo ka tirsan Hargeysa waxaa Iyana ku dhimatay gabar ka dib markii booliska iyo dibadbaxayaasha ay isku dheceen. Dad badan ayaa la xirxiray ka dib isu soo baxyadaas ka dhacay xaafado ka tirsan Hargeysa iyo Burco.

    #somal #SomalilandVotes Cirro Doorashada Somaliland Somaliland Wadani
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyaha Zimbabre 93 sano jirka Robert Mugabe oo diidan inuu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa [Sawirro]
    Next Article SAWIRRO: Doon Nooca dheereya ah oo lagu wareejiyay Hay’adda Socdaalka Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo