Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar Qarax miino ah lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, wadadda isku xirta Muqidsho iyo Afgooye.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka ayaa lagu qarxiyey Gaariga sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Siciid Dheere, waxaana la sheegay inuu xilligaasi marayey degaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo ay la socdeen saddex ka mida ilaaladiisa oo dhammaantood ku dhaawacmay qaraxa.
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in sarkaalka iyo ciidamada dhaawacmay la dhigay mid ka mida isbitaallada Muqdisho oo xaaladoodu ay degan tahay, iyadoo dhaawacyo kala duwan laga dabiibayo.
Sarkaalka ka tirsan Milateriga ee weerarka lala beegsaday ayaa la sheegay inuu ahaa taliye Urur ciidan ah oo a ku sugan degaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.