Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu shir xasaasi ah caawa u socdo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Ahlu suna ee ku sugan Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku jira isku daygiisii ugu danbeeyay ee uu ku badbaadinayo wadahadalkii u furmi lahaa Galmudug iyo Ahlu suna, isagoo ka dhaadhicinaya inay ka tanaasulaan shuruudo badan oo ay wateen.
Shirka ayaa si gaara u dhex maraya Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha Ahu suna Sheekh Maxamed Shaakir oo uu wehliyo Sheekh C/risaaq Cali Mire oo hore u ahaa guddoomiyihii guddiga fulinta Ahlu suna oo wadahadalka dib uga soo biiray.
Ahlu suna ayaa kala dirtay guddigii wadahadalka ee ay hore u magacawday, waxaana hadda socda kulamada ay yeelanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Ahlu suna iyadoo qodobka ugu weyn ee la isku hayo uu yahay awood qeybsiga labada dhinac.
Wadani.com