Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar maleeshiyada Alshabaab saaka ku qaadeen degaanka Daaru-Nicma ee Gobolka Sh/Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in Weerarku Alshabaab laga war hayey, iyadoo markii ay soo dhowaadeen ay ka baxeen ciidamada Macaawisleyda ee ku sugnaa, waxaana degaankaasi la wareegay Maleeshiyada Alshabaab.
War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegteen in Al-shabaab Saaka aroortii dagaal kula jarmaadeen saldhigga Macaawisleyda degaanka Daaru-Nicma ee Sh/dhexe, kadibna dagaal kooban ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka iyo saldhigga, markii ay halkaas baxeen.
Alshabaab waxay warkooda ku sheegeen inay burburiyeen taliskii weynaa iyo Difaacyadii degaanka Daarunicma u yaallay Macaawisleyda degaankaasi.
Dhinaca kale ma jito wax war ah oo kasoo baxay Taliska Milateriga Dowladda Federaalka iyo Macaawisleyda, waxaana degaankan hore uga dhacay dagaal qaraar oo Alshabaab ay awoodi waayeen inay qabsadaan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in duqeyn iyo rasaas culus laga maqlayo Daaru Nicma, waxaana weerar rogaalcelin ah la filayaai nay ku qaadaan Macaawisleyda iyo ciidamada dowladda.