Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa caawa weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Weerarka ayaa ku bilowday Bambooyin Gacmeed lagu tuuray fariisinka ciiamada, iyadoo kadibna dagaal toos ah uu goobtaasi ka dhacay, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in maleeshiyada Alshabaab dib loo celiyay.
Dagaalka oo waqti kooban socday ayaa rasaas xoog leh labada dhinac ay is-weydaarsadeen, waxaana la sheegay inuu jiro qasaare aan la shaacin, iyadoo ciidamada dowladda ay sheegeen inay dib u celiyeen weerarka Alshabaab.
Ciidamo gurmad ah ayaa gaaray Afgooye iyagoo la sheegay inay ka daba tegayaan Alshabaabkii weerarka soo qaaday.